Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in laga arkay Bisha Barakeysan ee Ramadaan qaybo ka mid ah gudaha dalka, taasoo muujinaysa bilowga bisha soonka ee sannadkan.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya ayaa sheegtay in warbixino la xaqiijiyay oo ku saabsan aragtida bisha laga helay deegaanno ka tirsan waqooyiga dalka iyo sidoo kale magaalooyinka kala ah Beledweyne, Jowhar iyo Baydhabo.
Go’aankan ayaa imaanaya kaddib markii culimada iyo guddiyada qaabilsan la socodka bilaha Hijriga ay xaqiijiyeen in si muuqata looga arkay meelo kala duwan oo dalka ah, taasoo ka dhigan in berri si rasmi ah loo guda geli doono soonka Bisha Ramadaan.
Dowladdu waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fadliga iyo kheyrka bisha barakeysan, isla markaana ay muujiyaan isku duubni, is-caawin iyo nabad ku wada noolaansho.
Soomaalida gudaha iyo dibaddaba ayaa sanad kasta si weyn u xusa munaasabadda bilowga Ramadaan, iyadoo masaajidda iyo goobaha cibaadada ay noqdaan kuwo si gaar ah loogu diyaargaroobo cibaado iyo camal suuban.






