Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay munaasabad sagootin ah u qabatay Danjire Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, oo loo magacaabay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Danjire Maxamed Amiin, oo ilaa hadda ahaa Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyada, ayaa beddelaya Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay Sacuudiga, Amb. Aways Xaaji Yuusuf, kaas oo dhawaan loo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka.

Magacaabista Danjire Maxamed Amiin ayaa waxaa si rasmi ah u aqbashay dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda uu u safro dalkaas si uu u gudbiyo warqadaha aqoonsiga (credentials) islamarkaana uu si rasmi ah ula wareego xilka safiirnimo.

Munaasabadda sagootinta oo ka dhacday Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiil iyo marti sharaf kale, kuwaas oo Danjiraha cusub ku bogaadiyay xilka loo igmaday, una rajeeyay guul iyo in uu sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Danjire Maxamed Amiin ayaa lagu ammaanay waayo-aragnimadiisa maamul iyo howl-karnaantiisa, iyadoo laga filayo in uu door muuqda ka qaato horumarinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga iyo arrimaha qunsuliyadaha.

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayaa leh xiriir soo jireen ah oo ku dhisan walaaltinimo, iskaashi iyo dan wadaag, iyadoo Sacuudigu ka mid yahay dalalka muhiimka u ah Soomaaliya dhinacyada taageerada iyo horumarinta.