Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah dagaal kula jirto kooxo xagjir ah oo ka soo galay dalka, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka yimaadeen dalal dibadda ah.
Wasiir Fiqi ayaa xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ay guulo waaweyn ka gaareen howlgallada ka dhanka ah kooxahaas, isla markaana ay cashar adag u dhigeen. Waxa uu sheegay in la khaarijiyay horjoogayaal muhiim ah oo hayay xilal sare oo ka tirsan kooxaha xagjirka ah.
“Ciidankeennu waxay muujiyeen geesinimo, waxayna si buuxda u difaacayaan shacabkooda iyo dalkooda,” ayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay u istaagtay difaaca qarankeeda iyadoo kaashanaysa dalalka saaxiibka la ah. Wuxuu si gaar ah u xusay taageerada ay bixiyaan Maraykanka, Turkiga, Qatar iyo Sacuudi Carabiya.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah uu sii socon doono ilaa laga xaqiijiyo amniga guud ee dalka.






