Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo xooggan oo ka dhacay magaalada Moqokori iyo deegaanno hoos yimaada, kuwaas oo lagu beegsaday dagaalameyaal ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, duqeynta ayaa si gaar ah u haleeshay goob ay ku sugnaayeen hoggaamiyeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay in shir uga socday gudaha magaalada.
Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in goobta la bartilmaameedsaday si weyn loo burburiyay, iyadoo la rumeysan yahay inuu jiro khasaare soo gaaray dhinaca maleeshiyaadka.
Ilaa iyo hadda, Al-Shabaab si rasmi ah uma shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta, hase yeeshee warar ay baahiyeen ayaa lagu sheegay inay wali gaaf-wareegayaan aagga uu weerarku ka dhacay.
Duqeymahan ayaa la sheegay inay fuliyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ee taageera howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xasilinayo gobolka Hiiraan iyo guud ahaan deegaannada bartamaha dalka.
Ma jiro weli war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka oo faahfaahin buuxda ka bixinaya tirada khasaaraha iyo burburka ka dhashay duqeynta.






