Duqeyn dhanka cirka ah oo si weyn loo dareemay ayaa ka dhacday deegaanka Maxaa Saciid ee gobolka Shabeellaha Dhexe, taasoo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo halkaas ku lahaa shir qarsoodi ah.
Ilo wareedyo amni ayaa sheegaya in duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga, kuwaas oo si dhow ula shaqeynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hay’adaha sirdoonka.
Xilliga la beegsanayay, xubnaha Al-Shabaab ayaa ku jiray kulan gaar ah, taasoo muujinaysa in la helay xog sirdoon oo sax ah.
Duqeynta ayaa la sheegay inay gaarsiisay khasaare culus Al-Shabaab, inkasta oo faahfaahinta rasmiga ah wali la sugayo.
Tani waa hawlgalkii ugu horreeyay ee si muuqata loogu xiro Taliyaha cusub ee CXDS, taasoo muujinaysa in isbeddel amni oo degdeg ah uu billowday, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan warar rasmi ah oo caddeynaya khasaaraha iyo hoggaamiyeyaasha la beegsaday.






