Shacabka u safri lahaa magaalada Garowe ee ka ambabaxaya Muqdisho ayaa lagu wargeliyey in shirkadaha duulimaadyadu ay joojiyeen safarada u dhexeeya labada magaalo, arrin dhalisay walaac iyo su’aalo ku saabsan sababta keentay arrintaan.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay la xiriirto xanibaad lagu soo rogay Garoonka Garowe, taas oo lagu sheegay inay ka timid madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in arrintan lagu micneeyey sugitaanka ilaa maalinta Arbacada, xilli la filayo in la ansixiyo dastuurka, isla markaana madaxweynaha uu isla habeenkaas ku qabto munaasabadda saxiixa dastuurka, laguna soo gabagabeynayo kalfadhiga Baarlamaanka.
Dad badan oo qorsheynayey safarro shaqo iyo kuwo qoys ayaa sheegay in tallaabadaan ay saameyn ku yeelatay qorshahoodii, iyagoo ku baaqay in la helo caddeyn rasmi ah oo ku saabsan sababta isbeddelka degdegga ah.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee DFS ama maamulka Puntland oo si toos ah uga hadlay xanibaadda la sheegay iyo sababaha rasmiga ah ee keenay in la joojiyo diyaaradihii tegi lahaa Garoonka Garoowe, balse dowladda Soomaaliya ayaaa dib u soo celisay diyaarad ka baxday Muqdisho oo siday Xildhibaano katirsan labada Aqal.
Garoonka Garowe ayaa ah mid muhiim u ah isku socodka bulshada iyo ganacsiga u dhexeeya Puntland iyo caasimadda Muqdisho, waxaana isbeddel kasta oo ku yimaada duulimaadyadiisa si weyn u dareema shacabka iyo ganacsatada.






