Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, isagoo ku tilmaamay mid “sharci-darro ah” isla markaana “waxba kama jiraan”, wuxuuna mar kale adkeeyay taageerada buuxda ee Ankara ay u hayso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Erdoğan oo wareysi siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in Turkigu si cad u muujiyay mowqifkiisa intii lagu guda jiray booqashadii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay Ankara dabayaaqadii bishii hore, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ilaalinta midnimada Soomaaliya “xaalad kasta oo ay noqoto” ay weli tahay mudnaan sare. “Waxaan rabaa inaan xoojiyo in mowqifkeennu uusan isbeddelin,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ballan qaaday in dalkiisu sii wadi doono difaaca madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo raacaya qaraarrada Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay in go’aannada la xiriira mustaqbalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay tahay inay ka tarjumaan rabitaanka dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Erdoğan ayaa sidoo kale ka digay in dowladda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ay waddo tallaabooyin lagu wiiqayo xasilloonida Geeska Afrika, kaddib falalka ka socda Gaza iyo xiisadaha ka taagan meelo kale oo gobolka ah, taasoo uu ku tilmaamay khatar ku wajahan qaaradda Afrika guud ahaan.

Sidoo kale, wuxuu soo dhoweeyay diidmada degdegga ah ee ay muujiyeen Sacuudi Carabiya iyo Masar ee ku aaddan go’aanka Israa’iil, isagoo xusay in Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta, iyo Guddiga Midowga Afrika ay sidoo kale ka horyimaadeen tallaabadan, iyagoo adkeeyay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.