Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo shirka wada-hadalka ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, xaq buuxa u leeyahay in uu dadaal kasta sameeyo si uusan u fashilmin shirka, maadaama mucaaradku ay aqbaleen gogosha wada-hadalka isla markaana ay yimaadeen caasimadda Muqdisho.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Villa Soomaaliya ay tahay goob sharci ah oo lagu qaban karo shirka, isagoo xusay in diidmada mucaaradka ee tagista Villa ay keeni karto cawaaqib siyaasadeed oo mustaqbalka saameyn ku yeelan kara hanaanka wada-hadalka iyo kalsoonida la isku qabo.

Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale ka digay in haddii shirka uusan keeni is-afgarad siyaasadeed oo mideeya dhinacyada, ay taasi dhaawici karto sumcadda Madaxweynaha iyo midnimada guud ee dalka.

“Shirkan waa fursad muhiim ah oo lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed. Haddii uu fashilmo, waxaa halis galaya kalsoonida shacabka iyo xasilloonida dalka,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, iyadoo shirka wada-hadalku la filayo in uu door weyn ka ciyaaro jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso qoraal uu Bartiisa Facebook ku qoray Fahad Yaasiin.