Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xalay ku dhawaaqay in muddo hal sano ah loogu daray hay’adaha kala duwan ee dowladda. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in go’aankan uu ku saleysan yahay dastuurka cusub ee la ansixiyay.
Hadalka guddoomiyaha ayaa si degdeg ah u kiciyay falcelin xooggan oo ka timid siyaasiyiinta mucaaradka iyo qayb ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in wax ka beddelka dastuurka loo adeegsaday dano siyaasadeed oo gaar ah. Shariif ayaa yiri:
“Dastuurkii lagu heshiiyay waxaa loo beddelay ujeedooyin siyaasadeed oo gaar ah,” isaga oo si cad uga hor yimid muddo kordhinta la shaaciyay.
Sidoo kale siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku dhaliilay go’aankaas. Wuxuu sheegay in muddo kordhinta ay ahayd ujeedada ugu weyn ee laga lahaa wax ka beddelka dastuurka.
“Waan ogayn in danta ugu weyn ee dastuur beddelka laga lahaa ay tahay sanadkaas muddo kororsiga ah, balse waa damiir xumo iyo masuuliyad darro in dad iyo duunyo ay abaar ba’an hayso lagu dul xafladeeyo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Dhanka kale, qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo warbaahinta la hadlay ayaa iyaguna shaki ka muujiyay suurtagalnimada muddo kordhintan. Waxay sheegeen in ay adag tahay in Xasan Sheekh Maxamuud, oo hore uga soo horjeeday muddo kororsi, uu hadda isagu kordhiyo muddada xilheyntiisa.
Si kastaba ha ahaatee, muddo xileedka rasmiga ah ee madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan ku dhawaad laba bilood iyo maalmo kooban. Lama oga weli in go’aankan muddo kordhinta ah uu si rasmi ah u dhaqan geli doono iyo sida ay arrintan uga falcelin doonaan hay’adaha dowladda iyo beesha caalamka.






