Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday mid Kamid ah hoteelada Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Meydka gabar dhallinyaro ah ayaa laga helay mid Kamid ah qolalka hoteel ku yaala demada Xamarweyne ee Magaalada muqdisho.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in marxuumadda ay ahayd 22 sano laguna magacaabo jiray Yasmiin Cabdalla Jeylaani.

Meydka gabadha ayaa waxaa jirkeeda ka muuqday dhaawacyo iyo jirdil la aamisanyahy inuu u geystay nin la sheegay inay hoteelka wada joogeen oo la rumeysanyahay inuu yahay dambiilaha ka dambeeyay falka dilka ah ee loo geystay Yaasmiin.

Ciidamada ammaanka ayaa falkaan u xiray haweeney la sheegay inay qeyb ka ahayd dilka marxuumadda, iyagoona ku daba jooga gacan ku dhiiglaha oo goobta ka baxsaday kadib dilka uu ugeystay marxuumad.