Muwaadin Soomaaliyeed, Allah ha u naxariistee Daa’uud Ibrahim Muuse, ayaa xalay lagu dilay deegaanka Salem ee hoostaga magaalada Port Elizabeth, gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika.

Sida ay wararku sheegayaan, koox hubeeysan ayaa weerar ku qaaday dukaanka uu marxuumku ku lahaa Salem xilli uu ku guda jiray howlahiisa shaqo. Kooxda hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen marxuumka, kadibna ay si degdeg ah uga baxsadeen goobta falka ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo gaaray goobta uu falka ka dhacay ayaa bilaabay baaritaan la xiriira dilka loo geystay muwaadinka Soomaaliyeed. Booliska ayaa sheegay inay wadaan howlgallo lagu baadi-goobayo ragga hubeysan ee ka dambeeyay weerarkaasi.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku saabsan sababta ka dambeysay dilka, hase yeeshee dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneysa weerarro marar badan lagu beegsaday ganacsatada ajaanibta ah ee ku nool qaybo ka mid ah dalka Koonfur Afrika.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi ayaa muujisay murugo iyo walaac la xiriira dilka marxuumka, iyaga oo ugu baaqay laamaha ammaanka in ay cadaaladda horkeenaan dadkii ka dambeeyay falkaasi.