Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay afar sarkaal oo sare oo ka tirsan RSF (Rapid Support Forces), kaddib markii lagu eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen xadgudubyo culus oo ka dhan ah rayidka, gaar ahaan kuwa ka dhacay dalka Sudan.
Cunaqabateyntan ayaa isugu jirta xayiraad safar iyo xayiraad lagu soo rogay hantida dibadda, taasoo ka dhigan in saraakiishan aanay u safri karin dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, isla markaana la xannibayo wixii hanti ah oo ay ku leeyihiin dibadda.
Saraakiisha la saaray cunaqabateynta ayaa kala ah.
Cabdulraxiim Xamdaan Daqlo – Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee RSF, isla markaana walaal la ah hoggaamiyaha RSF.
Cali Yacquub Gibril Taliye sare oo hoggaaminayay howlgalada RSF ee magaalada Al-Fashir.
Cusmaan Maxamed Xamiid Maxamed Sarkaal sare oo ka tirsan taliska howlgalada RSF.
Cabdullaah Maxamed Xasan Hoggaamiye sare oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha rabshadaha iyo xadgudubyada ka dhacay Darfur.
Wararka kasoo baxay Golaha Ammaanka ayaa tilmaamaya in saraakiishan lagu eedeeyay mas’uuliyad ku saabsan falal ay ka mid yihiin weerarro ka dhan ah rayidka, barakicin khasab ah, iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha intii uu socday dagaalka ka aloosan Sudan.
Go’aankan ayaa qeyb ka ah dadaallada beesha caalamka ay ku dooneyso in lagu xakameeyo colaadda sii xoogeysaneysa ee Sudan, gaar ahaan xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta Darfur iyo magaalooyinka kale ee ay dagaalladu saameeyeen






