Waxaa maanta lagu qabtay Hotel Airport kulan muhiim ah oo u dhexeeyay xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka iyo guddigii farsamo ee ay shalay magacaabeen xildhibaannada isku magacaabay Baarlamaanka Xorta ah.

Kulankan oo saacado qaatay ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo marxaladda cakiran ee uu marayo Baarlamaanka Federaalka, kaas oo muddooyinkii dambe ay hareeyeen khilaafaad siyaasadeed iyo doodo culus oo la xiriira arrimaha dastuurka.

Khilaafaadkaas ayaa sababay in Baarlamaanku u kala jabo laba garab, iyadoo mid kasta uu sheeganayo sharciyadda iyo hoggaaminta hay’adda sharci-dejinta.

Intii uu socday kulanka, guddiga farsamada ayaa madaxda Golaha Mustaqbalka la wadaagay ajandayaashooda shaqo iyo qorshayaasha u degsan. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa:

Qiimeynta xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sida looga gudbi karo kala qaybsanaanta Baarlamaanka.

Habraacyada lagu dhisi karo baarlamaan cusub oo loo dhan yahay.

Qorshaha doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka.

Dardar-gelinta wada-tashiyo lala yeesho dhinacyada kale ee siyaasadda si loo helo xal waara.

Guddiga ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay siinayaan sidii loo abuuri lahaa jawi wadahadal iyo is-afgarad ku dhisan, si looga fogaado muran sii kala fogeeya hay’adaha dowladda.