Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta si kulul ugu cambaareeyay go’aan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku joojisay duulimaadyadii ka soo kala baxay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe, kuwaas oo siday wufuud hordhac ah oo ka koobnaa masuuliyiin, saxaafad iyo ilaalo gaar ah oo ka socday maamulada Puntland iyo Jubaland.
Golaha ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid mas’uuliyad-darro ah, isla markaana dhaawacaya dadaallada wada-hadalka iyo wadashaqeynta siyaasadeed ee dalka.
Sidoo kale, GMS ayaa caddeeyay in heshiis laga gaaray dhammaan qodobadii gundhigga u ahaa qabsoomidda shirka wada-hadalada oo ay qeyb ka ahaayeen hoggaamiyeyaasha iyo mas’uuliyiinta dhinacyada kala duwan. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisuna ay qaateen go’aan khatar gelinaya nolasha wufuuddii saarnayd diyaaradaha la celshay.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay si buuxda u aqbalayaan gogosha ay dowladdu dhigatay, balse ay qabaan walaac weyn oo ku saabsan tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo carqaladeynaya qabsoomidda gogoshaas. Waxa ay sheegeen in arrimahaasi ka mid yihiin:
Kulamo iyo hadallo lid ku ah ujeeddooyinka gogosha wada-hadalada
Wax ka beddelka dastuurka
Xannibaadda duulimaadyada wufuuddii ka qeyb geli lahayd gogosha
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay diyaar u noqdaan wada-hadal daacad ah, isla markaana ay dib u eegis ku sameeyaan doorkooda ku aaddan hirgelinta nabad, midnimo iyo wadajir.
Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.







