Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa War-saxaafadeed rasmi ah ka soo saaray tallaabadii lagu soo celiyey xubno isugu jiray xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo shacab ku wajahnaa magaalada Garowe.

Qoraalka Golaha ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay ka hor imanayso mabaadi’da dastuuriga ah ee xaqiijinaya xorriyadda dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda. Golaha ayaa xusay in safarka xubnahan uu la xiriiro ka qeybgalka arrimo qaran iyo wada-tashi ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu tilmaamay in dib u celinta xildhibaannada iyo shacabka ay tahay fal ka hor imanaya Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee dalka, gaar ahaan qodobada dammaanad qaadaya xorriyadda socodka iyo ka qeybgalka howlaha qaran.

“Xildhibaannadu waxay leeyihiin xasaanad iyo xorriyad dhaqdhaqaaq oo waafaqsan sharciga dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Golaha ayaa intaa ku daray in falalka noocan oo kale ah ay wiiqayaan kalsoonida iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda.

Goluhu wuxuu ugu baaqay madaxda dowlad-goboleedka Puntland iyo hay’adaha amniga inay ixtiraamaan nidaamka federaalka, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta xiisad siyaasadeed iyo kala fogaan ku timaadda hay’adaha qaranka.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ku boorriyey dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ku dhaqmaan wada-hadal, is-qaddarin iyo ilaalinta midnimada dalka, si looga gudbo caqabadaha jira.

War-saxaafadeedka ayaa ku soo beegmaya xilli uu dalka wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo hanaanka dowlad-dhiska iyo dib-u-habaynta hay’adaha qaranka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn caddeeyey inay ka go’an tahay difaaca sharciga, ilaalinta dastuurka, iyo garab istaagga cid kasta oo xuquuqdeeda lagu tuntay.