Golaha Mustaqbalka mucaaradka ayaa lagu wadaa in maanta ay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay Shir la yeeshaan, iyaga oo la wadaagaya warbixin faahfaahsan oo ku saabsan wadahadalladii ay la yeesheen Villa Soomaaliya.

Shirkan oo Golaha Mustaqbalka ugu magac daray “Difaaca Dastuurka” ayaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho, waxaana lagu casuumay qaar kamid ah waxgaradka, aqoonyahannada iyo qeybaha bulshada rayidka ah.

Sida wararka hordhaca ah ay sheegayaan, xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa la filayaa inay caddeeyaan in wada-hadalladii ay la yeesheen Villa Soomaaliya aysan miro-dhal noqon, isla markaana ay dhinaca xukuumaddu diiday xal Soomaaliyeed oo ku dhisan wada-tashi, is-qancin iyo heshiis guud.

Goluhu waxa uu tilmaami karaa in halkii laga qaadi lahaa waddo wadahadal iyo tanaasul ku dhisan, ay Villa Soomaaliya u janjeertay dhanka awood adeegsiga iyo xoog, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid khatar ku ah geeddi-socodka siyaasadeed iyo midnimada dalka.

Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka ayaa la filayaa inay bulshada u caddeeyaan in ay dib ugu soo laaban doonaan miiska wada-hadalka marka la helo dastuur Soomaali heshiis ku tahay iyo hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay. Ilaa xilligaas, Goluhu waxa uu muujin doonaa in ay qaadi doonaan tallaabooyin siyaasadeed oo ay ku difaacayaan aragtidooda, iyaga oo ku adkaysanaya in mustaqbalka dalka lagu saleeyo sharci iyo heshiis qaran.

Shirkan maanta ka dhacaya Muqdisho ayaa imanaya xilli uu muran siyaasadeed ka taagan yahay arrimaha dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka, iyadoo indhaha bulshada iyo daneeyayaasha siyaasadda ay ku wajahan yihiin waxa kasoo baxa kulankaas.