Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Golaha Mustaqbalka Mucaaradka Kulankii ay Maanta yeesheen kaga arrinsanayeen jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xaaladda saddex dowlad-goboleed oo kala ah Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle.
Ilo ku dhow dhow xubnaha kulanka ayaa xaqiijiyay in goluhu isku raacay in bisha Ramadaan kadib la bilaabo olole siyaasadeed oo abaabulan, kaas oo lagu wajahayo hoggaanka maamuladan oo lagu eedeeyay inay muddo-dhaaf yihiin islamarkaana si dhow ula safan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in mucaaradka Koonfur Galbeed loo xil saaray Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Fargeeti, uu degmada Buurhakaba ka bilaabo abaabul siyaasadeed iyo isu-soo baxyada lagu muujinayo diidmada maamulka hadda jira.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Buurhakabo loo xushay istiraatiijiyad ahaan, maadaama ay tahay deegaan leh miisaan siyaasadeed iyo saameyn bulsho oo muhiim ah.
Gudaha Galmudug, xoghayaha Madasha Samatabixinta, Korneel Maxamed Aadan Koofi, ayaa la sheegay inuu qaatay masuuliyadda hoggaaminta mucaaradka.
Kulanka ugu horreeya ee abaabulka ayaa la qorsheeyay in lagu qabanayo Muqdisho toddobaadkan, halkaas oo la filayo in la mideeyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
In la sameeyo guddi qaban-qaabo
In la dejiyo jadwal olole siyaasadeed oo gudaha Galmudug ah.
Wararka ayaa sheegaya in mucaaradku doonayaan in cadaadis lagu saaro maamulka si loo furo hannaan doorasho oo loo dhan yahay.
Xaaladda Hirshabelle ayaa u muuqata mid si gaar ah diiradda loogu saarayo arrimaha doorashada qof iyo cod.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in siyaasiyiin ay ka mid yihiin Sheikh Shariif Sheikh Ahmed iyo Cabdulqadir Cosoble ay muujiyeen diidmo ku aaddan qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda deegaannada Hirshabelle xilligan.
Ilo kale ayaa tilmaamaya in ay socoto:
Wadatashi hoose oo lala sameynayo odayaasha dhaqanka
Qiimeyn ku saabsan suurtagalnimada dib u dhigista doorashada
Abaabul siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka hadda jira
Lama oga weli doorka rasmiga ah ee ay qaadan doonaan haddii jadwal doorasho la shaaciyo.
Dhanka kale, ilo xilkas ah ayaa sheegaya in dhaqaale iyo taageero farsamo oo ku aaddan qorshahan uu bixinayo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Arrintan ayaa haddii la xaqiijiyo, yeelan karta saameyn siyaasadeed oo ballaaran maadaama ay muujin karto isbahaysi cusub oo mucaarad heer federaal iyo dowlad-goboleed ah.






