Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyey is-hortaag lagu sameeyey xubno ka tirsan golaha, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in masuuliyiintan laga hor istaagay inay galaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, xilli ay ku wajahnaayeen hotel ku yaalla gudaha garoonka, halkaas oo la qorsheeyey kulan ay la yeelan lahaayeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.
Goluhu wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa hannaanka dowladnimo iyo wada-shaqeynta siyaasadeed ee dalka, isla markaana dhaawacaysa jawiga wadatashiga iyo is-afgaradka. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda inay ku mashquuleen dano siyaasadeed oo gaar ah, halkii ay ka hormarin lahaayeen midnimada iyo xasilloonida dalka.
Sidoo kale, goluhu wuxuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ugu baaqay inuu mudnaanta siiyo isu keenidda iyo mideynta dadaallada siyaasadeed, halkii uu ka abuuri lahaa xiisado hor leh.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in madaxda Dowladda Federaalka iyo hay’adaha amniga laga doonayo inay dhowraan maamuuska iyo xasaanadda masuuliyiinta hore ee dalka. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu carrabka ku adkeeyey in ixtiraamka iyo dhowrista maqaamka madaxda hore ay waajib ku tahay hay’adaha dowliga ah, si loo ilaaliyo sharafta dowladnimada iyo nidaamka dalka.
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu weli diyaar u yahay ka qeybgalka iyo xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo lagu badbaadinayo sharciyadda hay’adaha dowliga ah, laguna xaqiijinayo doorashooyin hufan iyo nidaam dastuur oo ku dhisan wada-tashi iyo is-afgarad qaran.
Golaha ayaa ku soo gabagabeeyey war-saxaafadeedkiisa baaq ku aaddan in laga fogaado tallaabo kasta oo sii hurin karta khilaafaadka siyaasadeed, loona midoobo danta guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.







