War cusub ayaa  kasoo baxay Kulan ay maanta yeesheen Guddiyadii Farsamada ee kala matalayey Golaha Mustaqabalka Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliya, kaas oo siweyn ay isha ugu hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan oo ahaa kulankoodii ugu horreeyey ayaa waxaa si buuxda uga qeyb-galay labada dhinac, wuxuuna ku bilowday jawi isfahan iyo wada-shaqeyn wanaagsan, taas oo muujinaysa in dhinacyadu diyaar u yihiin in arimaha masiiriga ah horumar laga sameeyo.

Kulanka qeybtiisa labaad ayaa waxaa loo balamey maalinka berri ah oo ku beegan 29 Janaayo 2026, sida lagu sheegay Warsaxaafadeed kooban oo ay soo wada saareen dhinacyada ku kulmay Muqdisho.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli Maanta buuq iyo gacan ka hadal uu ku dhamaaday Kulan ay yeelan lahaayeen Xildhibaannada labada Aqal, kaas oo la filayay in Xildhibaannada loogu qeybiyo Cutubyada Dastuurka oo Villa Somalia dooneyso in wax laga bedelo, balse Xilhdibaannada mucaaradka ay diideen