Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, Komishin Yuusuf Cabduqaadir Maxamed iyo Xoghayaha Gudiga Xuseen Nuunow Cali ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Socdaalka Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa qayb ka ah kormeer iyo wadatashi ku saabsan hawlaha doorashooyinka iyo qiimeynta diyaar-garowga habsami u socodka howlaha la xiriira geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.
Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka iyo wafdigiisa waxa ay kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed, oo ugu Horeeyo Madaxweyne Laftagareen si ay uga wada hadlaan dardargelinta doorashooyinka Golayaasha degaanka.
Guddiga doorashooyinka lagu muransan yahay ayaa la filayaa inay dhawaan dowlad Goboleedyada qaarkood ka billaabaan doorashooyinka Golayaasha degaanka ee degmooyinka, xilli muddo xileedka Hay’adaha dowladda uu dhamaad yahay.






