Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa lagu wadaa in uu safar rasmi ah ku tago magaalada Baydhabo, oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.
Ilo ku dhow safarka Guddoomiyaha ayaa sheegay in ujeeddada booqashadiisu tahay in uu xal u raadiyo shaqaaqadii ka dhacday Baydhabo, si looga hortago in ay sii fogaato, isla markaana ay saameyn taban ku yeelato amniga iyo deganaanshaha magaalada.
Aadan Madoobe oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in marka uu Baydhabo tago uu kulamo la yeesho Madaxda Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, iyo siyaasiyiinta ku sugan magaalada, si loo helo xal waara oo lagu dejin karo xaaladda.
Safarka Guddoomiyaha ayaa imaanaya xilli ay weli taagan tahay walaac laga qabo in xiisadda ka dhalatay dhacdooyinkii Baydhabo ay sii hurto, haddii aan si degdeg ah loo wajihin.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha, balse ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in diyaargarowga safarka uu marayo heer gabagabo ah, isla markaana la filayo in uu dhaco saacadaha soo socda.






