Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta u baxaya safar dalka dibaddiisa, kaas oo qaban qaabadiisa ka socoto Magaalada Muqdisho.
Safarka Guddoomiyaha ayaa imaanaya xilli ay wali taagan tahay kala qeybsanaan ka dhex jirta Xildhibaanada, kadib dhacdooyin sababay buuq, gacan ka hadal iyo hakad ku yimid shaqadii Baarlamaanka.
Dhinaca kale, xogo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dood culus ka dhalatay cidda noqon doonta kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka inta uu Aadan Madoobe maqnaanayo.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa la sheegay inuu doonayo in kusime ahaan loo sii daayo Cabdullaahi Abshirow (Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad), halka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar (Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad) oo weli ku sugan Muqdisho ay iyaduna xaq u leedahay in ay kusime noqoto, taasoo abuurtay muran hor leh.
Warar kale ayaa tilmaamaya in ay jirto suurtagalnimo ah in Baarlamaanka si ku meel gaar ah loo xiro inta uu Guddoomiyaha ka soo laabanayo safarkiisa, si looga fogaado isku dhacyo iyo qalalaase hor leh.
Xaaladda Baarlamaanka ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo indhaha lagu hayo go’aamada ka soo bixi doona dhinacyada ku lugta leh muranka.






