Iyada oo ay sii xoogeysanayaan dadka sida weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo muddo sanado ah Maamulaya degaannads Koonfur Galbeed ayaa waxaa heegan la geliyay laamaha Ammaanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa habeennimo kormeer ku tegay dhammaan saldhigyada ciidamada ee ku yaalla magaalada Baydhabo, si uu ugu kuurgalo xaaladda amni iyo heeganka ciidanka.

Wasiirka ayaa mid mid u booqday saldhigyada kala duwan, isagoo la kulmay saraakiisha iyo askarta ku sugan goobaha shaqada. Wuxuu ku bogaadiyey dadaalka iyo feejignaanta ay muujiyeen, gaar ahaan xilliyada habeennimada oo muhiim u ah sugidda amniga.

Wasiirka ayaa faray ciidamada in ay sii laba jibbaaraan heeganka, isla markaana si dhow ula shaqeeyaan shacabka si loo xoojiyo nabadgelyada magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa caddeeyey in dowladdu ka go’an tahay sugidda amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, isla markaana aysan jiri doonin wax dulqaad ah oo loo muujinayo cid kasta oo amniga wax u dhimeysa.

Arrintaan ayaa kusoo beegneysa, xilli dhawaan Magaalada Baydhabo ay ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee diwladda Soomaaliya Xasan Maxamed Eelaay, kaas oo markii dambe laga awood roonaaday.