Waxaa Maalintii labaad la filayaa inay Magaalada Muqdisho kulamo kale ku yeeshaan Guddiyada farsamada Golaha Mustaqbalka & Dowladda Soomaaliya, iyada oo kulankii ugu dambeeyay la sheegay inay heshiisyo hordhac ah ku gaareen.

Wararka uu helay Banaadir24 ayaa sheegay in dhinacyadu ay ka heshiiyeen ilaa dhowr qodob, kuwaas oo kala ah:-

1- In Shirku uu ka dhaco Xarunta Xalane oo ah Aagga ay deganyihiin safaaradaha Reer Galbeedka & saaxiibbada Caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.

2- In Amniga Madaxda Jubbaland & Puntland ay gacanta ku hayaan Saraakiisha & Ciidamada labada maamul, kuwa dowladduna ay la shaqeyn doonaan, qodobkaan ayaa muujinaya kalsooni xumo labada dhinac ah & kala shaki.

3- In Garsoorka Soomaaliya loo daayo waxa laga yeelayo waarankii soo qabashada ahaa ee loo jaray Axmed Madoobe, laakiin Ilo lagu kalsoonyahay ayaa ku warramaya suurta-galnimada in waaranka la laalo, iyada qodobkaas aysan madaxdu waxweyn u arkin.

4- Arrimaha Dastuurka ayaa loo raray shirka Madaxda Golaha Mustaqbalka & DFS, laakiin waxaa laga yeeshay dood adag, Guddiga metalayay Mucaaradka ayaa ku baaqay in la joojiyo, hayeeshee, waxaa la isla gartay in Madaxdu ka doodaan.

Ugu dembeyn, waxaa muuqata in uu shirku dhacayo, doodo masiiri ah ayaa miiska saaran, lamase hubo in lagu gaari doono heshiis buuxa, marka la eego mowqifyada labada dhinac ay kala taaganyihiin.

Wakiilada Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa isha ku haya waxa kasoo bixi kara Shirka Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa mucaaradka dhawaan ku dhexmari doona Magaalada Muqdisho.