Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in xukun dil toogasho ah lagu fuliyo Hodan Maxamuud Diiriye, kaddib markii Maxkamadaha Puntland ay ku heleen dambiga ah in ay dishay Marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle (AUN).
Maxkamadda Darajada Koowaad iyo tan Rafcaanka ee Puntland ayaa si isku mid ah u ansixiyay xukunka qisaasta ah, kadib markii la dhageystay dacwadda, marqaatiyaal iyo qiraallo la xiriira dilka dhacay.
Go’aanka kama dambaysta ah ee Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa sidoo kale xaqiijiyay in xukunka dilka ah la fuliyo, maadaama aysan jirin cafis ka yimid qoyska marxuumadda.
Sida ay wararku sheegayaan, goobta toogashada ayaa noqon doonta Magaalada Gaalkacyo, halkaas oo la filayo in ay goobjoog ka noqdaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, saraakiil amni iyo dadweyne.
Laamaha ammaanka ayaa adkeeyay sugidda nabadgelyada goobta, si loo hubiyo in fulinta xukunku u dhacdo si nabad ah, iyadoo la ilaalinayo shuruucda iyo nidaamka garsoorka Puntland.
Kiiskan ayaa noqonaya mid si weyn u gilgiley bulshada Puntland, iyadoo mar kale soo ifbaxaysa baahida loo qabo in la xoojiyo wacyigelinta ka hortagga rabshadaha iyo dilalka.






