Hooyo Soomaaliyeed ayaa ku geeriyootay, halka tiro kale oo dad ah ay ku dhaawacmeen dab xooggan oo maanta ka kacay Suuqa Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dabkan oo la sheegay inuu si degdeg ah ku fiday ayaa qaatay waqti dheer in la xakameeyo, iyadoo uu sababay khasaaro hantiyadeed oo baahsan. Goob-joogayaal ayaa sheegay in ololka iyo qiiqa cirka isku shareeray ay cabsi gelisay ganacsatada iyo shacabka ku sugnaa halkaas.

Ganacsato badan oo Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay ku waayeen hantidoodii dabkan, iyagoo qaarkood ahaa dad si weyn ugu tiirsanaa ganacsiyada ku yaallay suuqa.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dukaamo badan ay gabi ahaanba basbeeleen, inkastoo aan wali la helin tiro rasmi ah oo muujinaysa baaxadda khasaaraha.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dabku qaatay waqti dheer ka hor inta aysan gurmadku si buuxda u gaadrin goobta, taasoo sii kordhisay khasaaraha.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay jaaliyadda Soomaalida ee Kenya ama dowladda Kenya oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah iyo sababta keentay dabkan, waxaana la filayaa in hay’adaha dowladda ay maalmaha soo socda faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan dhacdadan.

Dhacdadan ayaa si weyn u taabatay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, gaar ahaan ganacsatada ku tiirsan suuqa Islii oo ah xarun ganacsi oo muhiim u ah Soomaalida Bariga Afrika