Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa xalay fuliyay howlgal amni oo qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Qowl ee Gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Ilo-wareedyo amni ayaa xaqiijiyay in howlgalkaas lagu dilay in ka badan 7 maleeshiyaad, halka sidoo kale la gubay hal gaari oo ay wateen xubnaha la beegsaday. Sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu, waxaa jira dhaawacyo tiro badan, inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah.

Dhanka kale, howlgal kale oo isla xalay ka dhacay deegaanka Goobo ayaa lagu dilay 2 ka mid ah Al-Shabaab, waxaana ciidamada ay halkaas ka soo furteen 2 qori oo nooca AK-47 ah, kuwaas oo ay adeegsanayeen maleeshiyaadka la dilay.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin ololaha ballaaran ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaatooyin amni ka wada gobollada dalka, gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in howlgallada ay sii socon doonaan, si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago falalka amni darro ee lagu beegsado shacabka iyo ciidamada.