Ciidanka Xogga dalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal muhiim ah ka fuliyay inta u dhaxaysa Moqokori iyo Yasooman ee gobolka Hiiraan, iyagoo kaashanaya ciidamada Xaq u dirirka deegaanka. Howlgalka ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyadoo 4 xubnood oo ka mid ah kooxdaas la dilay.

Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, ciidamadu waxay cagta mariyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayayay inay dhibaateeyaan Shacabka, waxaana la xaqiijiyay in gaari ay wateen xubnaha Al-Shabaab lagu gubay howlgalka.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa wali sii wada howlgalka iyagoo ku raad jooga xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay ku dhuumanayaan aagagga ku dhow Moqokori iyo Yasooman.

Howlgalkaani ayaa muujinaya adkeysiga ciidanka dowladda iyo taageerada ay ka helayaan dadka deegaanka ee ka qeyb qaadanaya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo sidoo kale loogu jiro sidii looga cirib tirilahaa kooxaha argagixisada ee ka hawlgala gobollada dhexe ee Soomaaliya.