Urur-Goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyay wada-hadallada u socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyadoo ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan wadahadal daacad ah oo lagu xallinayo arrimaha taagan.

IGAD waxay muujisay inay si dhow ula socoto geeddi-socodka wada-xaajoodka, isla markaana ay dhiirrigelinayso in xal waara lagu gaaro is-afgarad iyo wadatashi ku dhisan kalsooni iyo midnimo qaran.

Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa qiray dadaallada ay sameeyeen dhinacyadu, wuxuuna ku boorriyay inay sii xoojiyaan wada-hadalka si loo gaaro heshiis ay Soomaalidu hoggaaminayso, islamarkaana aanay jirin cid dibadda ka dhex faragelisa.

IGAD waxay xustay doorkeeda taariikhiga ah ee ku aaddan nabadda iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, iyadoo markale xaqiijisay inay ka go’an tahay taageerada dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida, midnimada, iyo horumarka dalka.

IGAD waxay adkaysay inay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo wada-jir qaran.