Iiraan, waxay u muuqataa inay adeegsanayso awoodeeda oo dhan si ay u joojiso duullaanka wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil,iyadoo markii u horreysay ay si wadajir ah Iiraan u weerarrayso; dhulka ay heysato Israa’iil iyo dhammaan saldhigyada Mareykanka uu ku leeyahay dalalka khaliijka.

Sidoo kale, inay Iiraan beegsanayso fagaarayaal ay ku jiraan goobo dal xiis oo ku yaalla caasimadaha khaliijka oo Doha iyo Dubai ku jiraan, waa caalamad ku filan duullaanka ay la kulmayso Iiraan inuu yahay mid ballaaraan.

Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay ku xaqiijisay in dhulka Imaaraadka Carabta lagu beegsaday gantaallo ballistic ah oo ay Iiraan soo riday, isla markaana nidaamyada difaaca cirka ay si guul leh u soo rideen tiro ka mid ah gantaalladaas.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in jajabkii gantaallada (shrapnel) uu ku dhacay deegaan la deggan yahay oo ku yaalla Abu Dhabi, taasoo sababtay khasaare hantiyeed iyo dhimashada hal qof oo asal ahaan Aasiyaan ah.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in weerarradooda gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliye lahayn ay weli socdaan,kuwaasoo ay ku beegsanayaan gudaha Israa’iil iyo saldhigyada Mareykanka,sida ay hadda werisey Al Jazeera.