Warsaxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Ilaalada Kacaanka Iiraan ee Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC) ayaa si kulul uga hadlay dilka loo geystay hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, iyada oo lagu ballanqaaday tallaabooyin adag oo jawaab celin ah.

War-saxaafadeedka, oo uu baahiyay warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera, ayaa lagu sheegay in ciidamada Ilaalada Kacaanku ay “si xooggan oo go’aan leh uga aargudan doonaan kuwii ka dambeeyay dilka hoggaamiyaha.”

IRGC waxay carrabka ku adkaysay in ciidamada ay sii wadi doonaan jidkii iyo mabda’ii hoggaamiyahooda, iyagoo muujiyay in aysan jiri doonin wax ka noqosho ah mowqifkooda ku aaddan difaaca qarannimada iyo madaxbannaanida Iran.

“Ciidamadeenu waxay ku taagnaan doonaan jidkii hoggaamiyahooda Khamenei,” ayaa lagu yiri bayaanka, “waxayna ku ridi doonaan ciqaab adag cid kasta oo ku soo xadgudubta dalkeena iyo sharafta ummaddayada.”

War-saxaafadeedkan ayaa imanaya xilli xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni ay ka jiraan gobolka, iyadoo beesha caalamku si dhow ula socoto xaaladda. Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in jawaabtoodu noqon doonto mid qorsheysan, isla markaana waafaqsan danaha qaranka.