Xildhibaanadda Aqalka Wakiillada Mareykanka ee laga soo doorto gobolka Minnesota, Ilhaan Cumar, ayaa sheegtay in dalka Mareykanka uu wajahayo xaalad nololeed oo aad u adag, taasoo ay dad badan awoodi waayeen inay la qabsadaan.
Ilhaan ayaa hadalkan ku sheegtay muuqaal ay ku baahisay baraha bulshada, iyadoo tilmaantay in adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin muwaadiniintu ay noqdeen kuwo aad u liita ama qaali ah.
Waxay si gaar ah u xustay:
Daryeelka carruurta oo aad qaali u noqday
Adeegyada caafimaadka oo aan la awoodi karin
Faquuq iyo cunsuriyad ka jirta goobaha shaqada
Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale ku eedeysay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Xisbiga Jamhuuriga inay mas’uul ka yihiin xaaladda sii xumaanaysa.
“Trump iyo Jamhuuriyiintu waxay ka dhigeen xaaladda mid ka sii daran,” ayay tiri Ilhaan.
Hadalkan ayaa imanaya xilli Mareykanku wajahayo cabashooyin isa soo taraya oo la xiriira sicir-bararka, adeegyada bulshada, iyo cadaalad-darro ka jirta fursadaha shaqo.






