Jimcihii, Israel ayaa qaaday mowjado weeraro ah oo ay ku garaacday xarumaha nukliyeerka iyo saldhigyada gantaallada ee Iran.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sannado badan ku baaqayay weerar noocan oo kale ah, oo ka dhan ah cadawga uu u arko khatar jirta oo aan ahayn Israa’iil oo keliya, laakiin adduunka oo dhan.

Iyaga oo ka jawaabaya, Iran ayaa dhowr diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ku tuurtay Israa’iil.

Laakin xalay fiidkii, waxay Iraan fulisay weeraro gantaalo ah oo ay ku garacday goobo akla duwan oo Israa’iil ka tirsan.

Magaalada Tel Aviv, ayaa waxaa cirka isku shareeray qiiq aad u cirka isugu shareeray, waxaan la maqlayay qaraxyo, iyadoo dadku ay gabaad ka raadsanayeen.

Iran, inkastoo ay ka daciifsan tahay sidii ay ahayd sanad ama laba ka hor, waxay muujisay inay weli awood u leedahay inay si adag uga jawaabto weerarka ee Israel oo aan horay loo arag.