Xiisadda amni ee ka taagan Bariga Dhexe ayaa sii xoogeysatay kaddib markii Iran ay maanta markale sii wadday duqeymo la sheegay inay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla dalalka Khaliijka.

Wararka ka imanaya gobolka ayaa sheegaya in dhawaaqyo qaraxyo ah laga maqlay magaalada Doha ee dalka Qatar iyo sidoo kale gudaha dalka Baxreyn, taas oo sare u qaadday walaaca amni ee ka jira mandiqadda.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Iran oo ku sugan Tehran ayaa sheegay in bartilmaameedka duqeymaha ay yihiin saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla dalalka Carabta, iyagoo ku andacoonaya in weerarradaasi ay qayb ka yihiin jawaab ay ka bixinayaan xiisadaha sii kordhaya ee gobolka.

Subaxnimadii hore ee maanta, maamulka Qatar ayaa ku dhawaaqay in si xadidan dib loogu furayo hawada diyaaradaha ee garoomada dalka. Si kastaba ha ahaatee, xaaladda amni ee sii kacsan ayaa u muuqata mid caqabad ku noqon karta qorshahaasi, iyadoo weli laga cabsi qabo weerarro kale oo dhici kara.

Dowladaha Khaliijka iyo kuwa reer galbeedka ayaa si dhow ula socda xaaladda, halka falanqeeyayaal amni ay ka digayaan in isku dhacyada sii xoogeysanaya ay sababi karaan qalalaase ballaaran oo ka dhaca gobolka Bariga Dhexe.