Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay in ciidamadooda badda ay saaka aroortii hore weerareen islamarkaana gantaal ku dhufteen markab shidaal oo Mareykan ah oo marayay waqooyiga Gacanka Carbeed.
War ay IRGC soo saartay ayay ku sheegtay in maraakiibta milatari iyo kuwa ganacsi ee ay leeyihiin Mareykanka, Israa’iil iyo dalalka Yurub ee ay ku eedeeyeen inay taageeraan labadan dal “aan loo oggolaan doonin inay maraan” biyaha gobolka.
“Haddii la arko, si hubaal ah waa la garaaci doonaa,” ayay IRGC ku tiri bayaanka.
IRGC waxay sidoo kale sheegtay in horey u caddeeyeen in, “iyadoo la raacayo shuruucda iyo go’aannada caalamiga ah, xilliyada dagaalka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay xaq u leedahay inay maamusho isu-socodka marinka Hormuz.”
Hadalka IRGC ayaa waxaa baahisay wakaaladda wararka ee Tasnim News ee Iran.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Mareykanka oo ku saabsan sheegashada Iran, mana cadda heerka khasaaraha ka dhashay weerarka la sheegay. Gobolka Gacanka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay wajahaya xiisad sii kordheysa oo ku saabsan amniga maraakiibta ganacsiga iyo kuwa milatariga ee marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.






