Madaxda Sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa xilligaan walaac xoogan ka muujiyay boob lagu haayo dhul ay leedahay Jaamacadda oo kuyaalla Magaalada Muqdisho.
Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeed kasoo baxay Raktarka Jaamacadda.
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa hay’adaha dowladda, warbaahinta, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay jiraan falal burburin sharci-darro ah oo si joogto ah uga socda dhul ay si buuxda u leedahay Jaamacadda, kuna yaalla Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Go’aankan iyo digniintan sharci waxay Jaamacaddu ku salaynaysaa warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo leh lambarka XGG/019/2026 kuna taariikaysan 11 Janaayo, 2026.
Warqaddaas waxay si cad u xaqiijinaysaa in dhulkaas uu yahay hanti sharci ah oo ay leedahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana aanay jirin cid kale oo sharci u leh inay wax ku darsato, burburiso ama ku ganacsato.
Falalkan burburinta ah ayaa lagu sameynayaa qaybo ka mid ah xarumaha Adeegga Ardayda iyo Gurigii Guddoomiyaha Jaamacadda, kuwaas oo ah dhismooyin taariikhi ah, kana mid ah kaabayaashii waxbarasho ee Jaamacadda.
Tallaabooyinkan sharci-darrada ah ayaa si toos ah u dhaawacaya sumcadda, hantida iyo doorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee waxbarashada sare ee dalka.
Maamulka Jaamacadda wuxuu caddeynayaa in uu qaadayo dhammaan tallaabooyinka sharci ee ku habboon, isagoo kaashanaya hay’adaha sharciga iyo amniga, si loo joojiyo burburinta, loona ilaaliyo xuquuqda milkiyadeed ee Jaamacadda.
Sidoo kale, Jaamacaddu waxay ka hortagayso isku day kasta oo lagu doonayo in si sharci-darro ah loogu xalaaleysto dhulka, iyadoo loo marayo magacyo aan sal sharci lahayn sida “guryihii xisbiga” ama “xaruntii hanti-wadaagga”.
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay uga digaysaa dhammaan shacabka, ganacsatada, iyo shirkadaha in aysan gelin wax heshiis, iibsasho, kiraysi ama maalgashi ah oo ku saabsan dhulkaas, maadaama wax walba oo lagu sameeyo ay noqon doonaan kuwo sharci-darro ah, ayna ka dhalan doonaan mas’uuliyado sharci.
Ugu dambeyn, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay mar kale ku adkaynaysaa in ay ka go’an tahay ilaalinta hantideeda, sharciga, iyo kaalinta ay ku leedahay horumarinta waxbarashada iyo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed.







