Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si adag uga digtay dadaallo ay sheegtay in ay wadaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la doonayo in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka Kumeel-gaarka ah, iyada oo aan la raacin hannaan sharci ah oo waafaqsan qodobada dastuurka dalka.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Madxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in isbeddel kasta oo lagu sameeyo Dastuurka aan lagu marin habraac sharciyeed oo hufan uu khatar ku yahay jiritaanka nidaamka federaalka iyo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee ay isla ogolaayeen dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.
Qoraalka ayaa si gaar ah u cambaareeyay fadhiyadii u dambeeyay ee Golaha Baarlamaanka Federaalka, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay muujiyeen xilkasnimo-darro, isla markaana ay jirto isku day lagu hor-marayo go’aamo waaweyn oo aan la helin wadatashi qaran iyo ka-qaybgal ballaaran.
Jubaland waxay sheegtay in wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo uu u baahan yahay hannaan qaran oo ay ka qayb-galaan dhammaan Dowlad-goboleedyada, ururrada bulshada rayidka, culimada iyo waxgaradka, si loo xaqiijiyo sharciyad, midnimo iyo kalsooni guud.
Sidoo kale Jubbaland ayaa ugu baaqday hoggaanka dalka iyo xildhibaannada in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo abuuri karta khilaaf siyaasadeed iyo qalalaase amni, isla markaana ay ilaaliyaan sharciga iyo heshiisyadii lagu dhisay nidaamka federaalka.
Ugu dambayn, Jubaland waxay ku boorrisay shacabka Soomaaliyeed in ay feejignaadaan, ayna taageeraan geeddi-socod kasta oo ku dhisan wada-tashi, hufnaan iyo ixtiraamka dastuurka.






