Maamulka Jubbaland ayaa si cad uga soo horjeestay wax-ka-beddelka lagu sameeyay qodobo ka mid ah Dastuurka Federaalka Soomaaliya, kaas oo la qorsheynayo in maanta ay ansixiyaan Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in wax-ka-beddelka la wado uusan ahayn mid loo maray hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeelgaarka ah, isla markaana aan laga talo gelin Dowlad Goboleedyada dalka.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Jubbaland aysan aqoonsan doonin wax kasta oo ka dhasha wax-ka-beddelkaas, maadaama, sida ay sheegeen, uusan ku imaan wada-tashi iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

“Dastuurka waa heshiis qaran oo saldhig u ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, mana aha arrin hal dhinac go’aan ka gaari karo,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay Xildhibaannada Labada Aqal inay dib u eegis ku sameeyaan hannaanka wax-ka-beddelka, isla markaana la hubiyo in la helo is-afgarad buuxa oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka.

Sidoo kale, Jubbaland waxay ku baaqday in wixii khilaaf ah lagu dhammeeyo wada-hadal iyo hannaan sharci oo waafaqsan dastuurka, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo wadajirka qaranka.

Arrintan ayaa imaneysa xilli dood xooggan ay ka taagan tahay wax-ka-beddelka qodobo ka mid ah Dastuurka Federaalka, iyadoo la filayo in go’aanka Baarlamaanka uu saameyn ku yeesho jihada siyaasadeed ee dalka.