Muujad siyaasadeed oo cusub ayaa ka dhex qaraxday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), taas oo lagu wado inay si rasmi ah u bilaabato wixii ka dambeeya Axadda soo socota.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo ugu yeeray dhammaan xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo tiradoodu gaareyso 79 xildhibaan.
Xildhibaano aan khadka telefoonka kula xiriirnay ayaa xaqiijiyey in ay Axadda u safrayaan Baydhabo, isla markaana ay ka jawaabeen casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweyne Laftagareen.
Wararka ayaa tilmaamaya in muujadan cusub ay si toos ah u dhaawaceyso qorshihii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka Ku-meelgaarka ah, arrintaas oo ay horey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uga wada hadlayeen.
Kulamada ka billaabanaya Baydhabo ayaa lagu fasirayaa isku day lagu mideynayo mowqifka xildhibaanada Koonfur Galbeed, si ay u qaataan go’aan ka duwan kan Villa Soomaaliya, taas oo keeni karta is-hortaag siyaasadeed.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in khilaafka hadda soo cusboonaaday uu salka ku hayo dagaalkii dhawaan ka dhacay Baydhabo, kaas oo sababay in labada dhinac ay isku aragti ka noqdaan maamulka amniga iyo faragelinta dowladda federaalka.
Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah, maadaama kulamada Baydhabo ay saameyn ballaaran ku yeelan karaan jihada siyaasadda dalka.






