Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa weli ah mid cakiran, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin kalsoonida lagu qabi karo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kalsoonidii hore ay gebi ahaanba meesha ka baxday, isla markaana Jubbaland iyo Puntland ay soo celiyeen su’aalo culus oo ku saabsan cidda mas’uulka ka ahayd dhacdadii diyaaradaha laga hor istaagay wafdiyadoodii.

Khilaafka ayaa ka dhashay kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu markii hore sheegay inuusan waxba ka ogeyn go’aankii lagu hor istaagay diyaaradaha, balse uu si degdeg ah u beddelay hadalkiisa, isla markaana madaxda Golaha Mustaqbalka u sheegay laba war oo is khilaafsan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha uu markii dambe odayaal dhaqameed u diray Puntland iyo Jubbaland, isagoo faray in ay la yimaadaan ciidamadooda, taas oo ay dawlad-goboleedyadu dib uga maageen, iyagoo dalbanaya in si cad loo cadeeyo:

Yaa lahaa mas’uuliyadda go’aanka?
Yaase hadda lagu kalsoonaan karaa?

Dhanka kale, wakiillada beesha caalamka ayaa wada cadaadis xooggan oo ay ku saarayaan dhammaan dhinacyada, si xal degdeg ah loogu helo khilaafka. Isla waqtigaas, hoggaamiyeyaasha Madasha Samatabixinta Qaranka ayaa wada wadahadallo toos ah oo ay la leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, si shirka loo badbaadiyo looguna qabto magaalada Muqdisho.

Saakay ayaa la filayaa kulan gaar ah oo u dhexeeya dhinacyadaas, kaas oo lagu gorfeeyn doono sidii loo heli lahaa waddo ay dhinacyadu isugu soo laaban karaan.

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in damaanad-qaadka amniga ee lagu kalsoonaan karo lagu talinayo in ay bixiyaan dowladaha reer Galbeedka, arrintaas oo haddii ay hirgasho noqon doonta mid si weyn u wiiqeysa awoodda Villa Soomaaliya.

Khilaafka ayaa weli ah mid furan, waxaana laga cabsi qabaa in haddii xal degdeg ah la waayo uu si buuxda u burburo shirkii Golaha Mustaqbalka.