Ciidamada Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in ay ku raad-joogaan Cabdiraxmaan Nishow, oo la sheegay in uu dhaawac ku sugan yahay, isla markaana ay weheliyaan maleeshiyaad hubeysan.
Sida lagu baahiyay Telefishinka ku hadla afka Maamulka Koonfur Galbeed, Nishow ayaa hoggaaminayay kooxdii dhawaan weerarka ku qaaday laamaha amniga ee magaalada Baydhabo, taasoo keentay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in howlgallo amni oo ballaaran ay ka socdaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu beegsanayo kooxahan abaabulan, si loo xaqiijiyo amniga guud iyo badbaadada shacabka.
Laamaha amniga ayaa ugu baaqay shacabka in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidanka, isla markaana ay ka fogaadaan goobaha ay ka socdaan howlgallada, si looga hortago waxyeello shacab.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa adkeeyay in howlgalladan ay sii socon doonaan ilaa laga soo afjarayo khatarta kooxaha nabad-diidka ah ee halista ku haya amniga iyo xasilloonida deegaannada maamulka.






