Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay berri oo ah Isniin, 09 Febraayo 2026, isugu yimaadaan kulan kale oo rasmi ah, kaddib casuumaad uu diray Guddoonka Labada Aqal.

Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa sii wadidda doodda ku saabsan wax-ka-beddelka Dastuurka, gaar ahaan Marxaladda 2aad ee geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka.

Sida ku cad ajendaha kulanka, xildhibaanadu waxay ka doodi doonaan soo jeedimo wax-ka-beddel kooban oo lagu sameynayo qodobbada 49aad, 50aad iyo 54aad ee ku jira Cutubka 4aad ee Dastuurka KMG ah.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa xildhibaanada ku adkeeyay in ay kulanka ka soo qeyb galaan, maadaama uu yahay mid muhiim u ah hannaanka dib-u-habaynta dastuurka iyo mustaqbalka nidaamka federaalka dalka.

Kulamadii hore ee arrintan la xiriiray ayaa marar badan hakad galay, kaddib muran iyo is-faham waa ka dhex abuurmay xildhibaannada, balse aan la saadaalin karin waxa dhici kara kulamada soo socda.

Kulamadii u dambeeyay ee Xildhibaannada labada Aqal ayaa gacan qaad uu ka dhacay, iyada oo laga mamnuucay Warbaahinta Madaxa bannaan.