Kulan gaar ah ayaa maanta ka socda Xarunta Madaxtooyada Qaranka, kaas oo u dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Cabduqaadir Cosoble iyo Khaliif Cabduqaadir Macalin Nuur, kuwaas oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka.

Kulankan oo lagu tilmaamay mid ehelnimo ah ayaa waxaa la sheegaya in musharixiinta mucaaradka ay Madaxweynaha kala hadleen arrimaha la xiriira qabashada doorasho heshiis lagu yahay, xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay nooca doorasho ee dalka u jihaysan yahay.

Kulankan ayaa imaanaya kaddib markii ay fashilmeen wada-hadallo hore oo u dhaxeeyay madaxda dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo la doonayay in lagu gaaro is-afgarad siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashada.

Dalka Soomaaliya ayaa wajahaya marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo wajahayo doorashooyinka soo socda. Mucaaradka ayaa ku adkeysanaya in la helo hannaan lagu wada heshiiyo, halka dowladda ay hore u muujisay mowqifkeeda ku aaddan nidaamka doorashada.

Ilaa hadda, wax war rasmi ah kama soo bixin Madaxtooyada oo faahfaahinaya natiijada kulanka.

Wixii faahfaahin ah kala soco wararkeena dambe.