Guddoonka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maalinta berri oo Arbaco ah la qabanayo kulan wadajir ah oo ay yeelanayaan Labada Aqal ee Baarlamaanka, kaas oo ajandihiisu yahay marxaladda 3aad ee dib u eegista Dastuurka KMG ah.
Kulankan oo ka dhici doona xarunta Villa Hargeysa ayaa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa ansixinta Cutubyada 4aad ilaa 13aad ee Dastuurka, kuwaas oo qeyb ka ah geeddi-socodka dhammeystirka dib u eegista dastuurka dalka.
Qorshahan ayaa durba dhaliyay dood siyaasadeed, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaannada laga soo doorto Puntland iyo Jubaland ay si cad uga soo horjeesteen, isla markaana maamuladaasi muujiyeen diidmo ku aaddan qaabka iyo waqtiga loo wajahayo marxaladdan.
Dhanka kale, xildhibaano iyo senataro safarro shaqo iyo kuwo gaar ah uga maqnaa dibadda iyo gobollada dalka ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan kulanka la filayo inuu noqdo mid xasaasi ah.
Guddoonka Labada Aqal ayaa farriin rasmi ah u diray dhammaan xildhibaanada iyo senatarada, iyagoo ku wargeliyay qabsoomidda kulanka iyo muhiimadda ay leedahay ka soo qeybgalka doodda iyo codbixinta la filayo inay ka dhacdo.
Kulanka berri ayaa la filayaa inuu iftiimiyo jihada siyaasadeed ee dalka ee ku aaddan dhammeystirka Dastuurka, iyadoo indhaha shacabka iyo daneeyayaasha siyaasadda ay si dhow ula socdaan natiijada ka soo baxda wallow la wada diidan yahay.







