Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta la filayaa in ay yeeshaan fadhi wadajir ah oo ay ku ansixinayaan 13 qodob oo kamid ah Dastuurka Kumeelgaarka ah, kuwaas oo wax ka beddel lagu sameeyay toddobaadyadii la soo dhaafay.
Xildhibaannada labada Aqal ayaa muddo ka doodayay qodobadan la beddelay, iyada oo doodahaasi ay hareeyeen muran siyaasadeed iyo kala aragti duwanaansho xooggan. Siyaasiyiinta mucaaradka, oo ay kamid yihiin madaxda Puntland iyo Jubbaland, ayaa si cad uga soo horjeestay wax ka beddelka dastuurka, iyaga oo ku tilmaamay mid aan loo marin hannaan wadatashi iyo is-afgarad qaran.
Xaaladda ammaanka iyo tan siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho ayaa iyaduna saamayn ku yeelatay kulanka la filayo. Inta badan xildhibaannada laga soo doorto Puntland ayaa ku sugan Muqdisho, kadib markii dowladda federaalku ay ka hor istaagtay in ay u safraan magaalada Garoowe, halkaas oo diyaarad ay saarnaayeen dib loo soo celiyay.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay jirto cabsi laga qabo in kulanka maanta uu u baaqdo ama uu dib u dhac ku yimaado, sababo la xiriira caro ka dhalatay weerar xalay lagu qaaday xildhibaanno ka soo jeeda Puntland. Weerarkaasi ayaa sii huriyay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn indhaha ugu haya go’aanka ka soo baxa kulanka maanta, maadaama ansixinta qodobadan ay saameyn ku yeelan karto hannaanka federaalka, doorashooyinka mustaqbalka, iyo jihada siyaasadeed ee dalka.
Fadhiga wadajirka ah ee labada Aqal ayaa la filayaa in uu noqdo mid go’aan ka gaar ah mustaqbalka dastuurka, iyadoo natiijadiisu ay si dhow ula socon doonaan dhammaan daneeyayaasha siyaasadda dalka






