Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta soo gaaraya magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kulan wadatashi ah kula yeelan doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in labada mas’uul ay si gaar ah uga wada hadli doonaan hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah, gaar ahaan doorka Dowlad Goboleedyada ku leeyihiin geeddi-socodkaas.

Xogaha hordhaca ah waxay sheegayaan in Laftagareen uu ogol yahay qabashada doorashada Gollaha Deegaanka, balse uu weli ka biyo diidan yahay in doorashada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka ay maamulaan guddiyo uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa la filayaa inay noqoto qodobka ugu adag ee miiska wada-hadalka saaran.

Laftagareen oo Xaliyay 70% Mucaaradkiisa
Kahor safarkiisa Muqdisho, Laftagareen ayaa lagu warramayaa inuu xaliyay ku dhawaad 70% mucaaradkii ka soo horjeeday, isagoo qaarkood xilal u magacaabay, halka kuwo kalena uu la galay heshiisyo siyaasadeed.

Shaqsiyaadka uu la heshiiyay ama xilal u magacaabay waxaa ka mid ah:

Ibraahim Yarow

Xasan Amar-dambe

Maxamed Mursal

Axmed Madoobe Nuunow

Guddoomiye Abshirow

Dhinaca kale, Laftagareen ayaa lagu soo warramayaa inuu si buuxda uga adkaaday mucaarad hubeysan oo diidanaa wada-hadalka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Xasan Eelay, Cabdullaahi Nishoow iyo maleeshiyaad ka howlgali jiray deegaanka Buurhakaba, kuwaas oo caqabado amni ka abuuri jiray deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.