Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Axmed Madoobe Nuunow, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo.

Xildhibaanka ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kulankaas oo diiradda lagu saaray xoojinta midnimada, is-afgaradka siyaasadeed iyo wada-shaqeynta hoggaanka maamulka.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la furo bog cusub oo ku saleysan isu-tanaasul iyo bog-dhaaf siyaasadeed, si wadajir ahna looga shaqeeyo danaha guud ee shacabka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo ballaaran oo uu ku raadinayo dib-u-heshiisiin siyaasadeed, isagoo la kulmayey siyaasiyiin mucaarad ku ahaa maamulkiisa.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa heshiisyo la galay xubno ka tirsanaa mucaaradka, kuwaas oo uu ku casuumay magaalada Muqdisho, kahor inta aysan u safrin Baydhabo.

Kulankan ayaa loo arkaa mid qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo xasilloonida siyaasadeed iyo wada-jirka hoggaanka Koonfur Galbeed.