Khilaaf sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo ku fiday Geeska Afrika ayaa hadheeyey shir-madaxeedka toddobaadkan ee Midowga Afrika (AU), inkastoo inta badan hoggaamiyeyaasha qaaradda la filayo inay ka fogaadaan qaadashada dhinac, sida ay sheegeen sagaal diblomaasiyiin iyo khubaro.
Tartankan oo bilowgiisu ka soo unkamay dagaalka Yemen ayaa haatan ka gudbay Badda Cas, kuna fiday gobolka Geeska Afrika oo ay hareeyeen colaado kala duwan — laga bilaabo dagaalka ka socda Soomaaliya iyo Suudaan ilaa xasaradaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea iyo xaaladda Liibiya oo weli kala qaybsan.
Sanadihii u dambeeyay, Imaaraadka ayaa noqday awood muuqata oo saameyn ku leh Geeska Afrika — oo ay ka mid yihiin Suudaan, Soomaaliya, Itoobiya, Eritrea iyo Jabuuti — isaga oo ku maalgeliyey balaayiin doollar, sameeyey dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan, isla markaana bixiyey taageero milatari oo qarsoodi ah.
Sacuudiga ayaa muuqaal hoose ku lahaa gobolka, balse diblomaasiyiin ayaa sheegaya in Riyadh ay hadda dhiseyso isbahaysi ay ku jiraan Masar, Turkiga iyo Qatar.
“Sacuuudigu waa toosay, wuxuuna garwaaqsaday inay lumin karaan Badda Cas,” ayuu sarkaal sare oo Afrikaan ah u sheegay Reuters. “Muddo dheer way hurdayeen halka Imaaraadku si firfircoon uga shaqeynayay Geeska.”
Markii hore loollanka wuxuu ku koobnaa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed — oo labaduba ah marinno ganacsi oo istiraatiiji ah — balse hadda wuxuu ku sii fidayaa gudaha dhulka.
“Maanta wuxuu ka taagan yahay Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu ka socdaa Suudaan, Saaxil iyo meelo kale,” ayuu diblomaasigu intaas ku daray.
Dalal lagu qasbayo inay doortaan dhinac
Inkasta oo colaadahaasi ay leeyihiin sababo gudaha ah, haddana ku lug lahaanshaha dalalka Khaliijka ayaa ku qasbaya dowlado, maamullada gobollada iyo xitaa hoggaamiyeyaal hubeysan inay qaataan dhinac, sida ay sheegeen diblomaasiyiin.
Michael Woldemariam, oo ah khabiir ku takhasusay Geeska Afrika kana tirsan Jaamacadda Maryland, ayaa sheegay in qaar ka mid ah dowladaha gobolka, oo ay ku jiraan Eritrea, Jabuuti, Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF), ay ka walaacsan yihiin siyaasadda dibadeed ee Imaaraadka oo uu ku tilmaamay “mid xoog ku saleysan”.
“Waxaa laga yaabaa in Sacuudigu isku dayo inuu xaddido ama yareeyo saameynta Imaaraadka ee Geeska, balse weli lama oga sida arrintaasi u dhacdo,” ayuu yiri. “Imaaraadku wuxuu gobolka ku leeyahay saameyn ballaaran — joogitaan milatari oo ka baxsan xuduudihiisa iyo xiriir maaliyadeed oo qoto dheer.”
Saraakiil Sacuudi ah ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada Imaaraadka ee Yemen iyo Geeska Afrika ay khatar ku yihiin ammaankooda qaran.
Dhanka kale, mas’uuliyiin Imaaraad ah ayaa ku dooday in istiraatiijiyaddoodu ay xoojinayso dowladaha si ay ula dagaallamaan kooxaha xagjirka ah, halka khubaro Qaramada Midoobay iyo saraakiil reer galbeed ah ay ku eedeeyeen inay mararka qaar sii hurinayso colaadaha isla markaana xoojinayso hoggaamiyeyaal kali-talis ah — eedeymahaas oo Imaaraadku beeniyey.
Ilo-wareedyada lala hadlay ayaa diiday in magacyadooda la shaaciyo sababo la xiriira xasaasiyadda arrintan.
Ka fogaanshaha isku dhaca quwadaha Khaliijka
Aqoonsiga Israa’iil ee dadaalka gooni-isu-taagga Somaliland ayaa noqday tusaalaha ugu cad ee muujinaya sida xiisaddu u sii kaceyso.
Soomaaliya ayaa jartay xiriirkii ay la lahayd Abu Dhabi, iyada oo ku eedeysay inay saameyn ku lahayd aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland. Muqdisho ayaa tan iyo markaas heshiis difaac la saxiixatay Qatar, halka Turkigu uu diyaarado dagaal u diray caasimadda si uu u muujiyo awooddiisa.
Xiisad ayaa sidoo kale ka dhex aloosan Itoobiya — oo martigelinaysa shir-madaxeedka Midowga Afrika — iyo Eritrea oo daris la ah, kuwaas oo bilooyinkii u dambeeyay qarka u saarnaa dagaal. Hoggaamiyaha Eritrea ayaa dhawaan booqday Sacuudiga, tallaabadaas oo falanqeeyayaal u arkeen inay muujinayso taageero Riyadh ka timid.
Ilo xog-ogaal ah iyo khubaro ayaa sheegay in Imaaraadka iyo Sacuudigu ay kala taageeraan dhinacyo iska soo horjeeda dagaalka Suudaan. Imaaraadka ayaa lagu eedeeyay inuu taageero saadka siiyo xoogagga RSF, halka dalalka ku dhow Sacuudiga ay inta badan garab taagan yihiin SAF.
Masar, oo ah xulafo Sacuudiga, ayaa la sheegay inay ku daadgureysay xadka Suudaan diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn oo ay ka heshay Turkiga, kuwaas oo loo adeegsaday duqeymo ka dhan ah RSF, sida ay sheegeen ilo amni.
Falanqeeyayaal ayaa tilmaamay in Itoobiya ay ka faa’iideysanayso taageerada Imaaraadka, iyadoo Reuters toddobaadkan baahisay in Itoobiya ay martigelinayso saldhig ku yaalla galbeedka dalkaas oo lagu tababaro laguna qoro dagaalyahanno RSF ah. Itoobiya si rasmi ah ugama hadlin warbixintaas.
“Iyagoo adeegsanaya xulafo iyo wakiillo”
Khubaro ayaa sheegtay in Sacuudigu inta badan ka hawlgalo gobolka isaga oo adeegsanaya xulafo iyo wakiillo halkii uu si toos ah uga faragelin lahaa.
Woldemariam ayaa sheegay in dalalka Afrika ay u badan tahay inay si taxaddar leh u dhaqmaan.
“Xitaa dowladaha ka walaacsan saameynta Imaaraadka waxay ka fiirsan doonaan inta ay doonayaan inay ku dhex milmaan iska horimaad u dhexeeya labadan quwadood ee Khaliijka,” ayuu yiri.
Geeska Afrika ma aha kaliya ajandaha shirkan AU. Dagaal ayaa weli ka socda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halka fallaagada xiriirka la leh Al-Qaacida iyo Daacish ay ku sii fidayaan gobolka Saaxil.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaal ayaa qaba in xiisadaha Geeska Afrika ay mudnaan gaar ah ka heli doonaan ajandaha.
Alex Rondos, wakiilkii hore ee Midowga Yurub u qaabilsanaa Geeska Afrika, ayaa sheegay in gobolka uu noqday goob ka mid ah loollanka Bariga Dhexe.
“Ma si buuxda ayay Sacuudiga iyo Imaaraadku u fahmeen cawaaqibta ka dhalan karta?” ayuu isweydiiyay. “Geeska Afrika ma oggolaan doonaa in lagu kala jebiyo loollan shisheeye iyo saaxiibbadooda Afrikaan ah?”






