Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir guddoomiyay kulan wadajir ah oo ay yeesheen Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland iyo Golaha Xukuumadda Jubaland.
Kulanka ayaa si qoto dheer loogu lafaguray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, gaar ahaan geeddi-socodka halka dhinac ah ee wax looga beddelayo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa. Madaxweynaha iyo masuuliyiintii ka qaybgalay kulanka ayaa isla falanqeeyay saameynta ay tallaabooyinkaas ku yeelan karaan nidaamka federaalka iyo wadajirka dalka.
Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-tashiga iyo midnimada mowqifka Jubaland ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka. Sidoo kale, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta heshiisyadii iyo habraacyadii saldhigga u ahaa wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah.
Madaxda Jubaland ayaa isku raacay in wax ka beddel kasta oo lagu sameynayo Dastuurka uu ku yimaado hannaan sharci ah oo ku dhisan is-afgarad, wadatashi buuxa iyo ka qaybgal loo dhan yahay, si loo xaqiijiyo midnimada iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Jubaland ku dooneyso in lagu ilaaliyo nidaamka federaalka iyo in go’aannada waaweyn ee qaranka lagu saleeyo wada-hadal iyo heshiis guud.






