Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo saartay amar lagu farayo in dib loo bilaabo bixinta adeegga Dal-ku-joogga, si loo hormariyo tayada iyo hufnaanta adeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda.
Go’aankan ayaa si gaar ah u khuseeya ajaaniibta ka shaqeeya deegaanada Koonfur Galbeed iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wata baasaboorrada ajnabiga ah, kuwaas oo mar kale heli doona adeegga Dal-ku-joogga.
Amar Ku Socda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ku amartay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee u qaabilsan deegaanada KGS in si degdeg ah loo bilaabo bixinta adeeggan, isla markaana la hubiyo in si hufan oo waafaqsan sharciga loo fuliyo.
Digniin Ku Saabsan Caqabadaha Ka Dhasha Adeegga
Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ka digtay caqabad kasta oo ka dhalan karta dib u bilaabista adeegga Dal-ku-joogga, gaar ahaan murannada la xiriira hakintii hore ee adeeggaas.
Waxay dowladda caddeysay in mas’uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha arrintan ay qaadi doonto Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, maadaama horey adeegga loo joojiyay iyadoo aan la sameyn tashiyo ku filan.
Ujeeddada Go’aanka
Go’aankan ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo adeegyada dowliga ah, laguna fududeynayo howlaha ajaaniibta iyo muwaadiniinta leh dukumiintiyada safarka ee ajnabiga ah, si ay si sharciyeysan ugu gutaan waajibaadkooda shaqo iyo mid bulsho gudaha deegaanada Koonfur Galbeed.
Dowladda ayaa ugu dambeyn ugu baaqday dhammaan hay’adaha ay khuseyso in ay si dhow ula shaqeeyaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, si loo xaqiijiyo in adeegga Dal-ku-joogga uu u socdo si nidaamsan oo waafaqsan sharciga dalka.







